Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Hay’adda Maareynta Musiiboyinka oo kormeer ku tagay baqaarka hay’adda oo ay ka socotay Gawaari siday deeq mucaawino ah oo ku wajahan deeganada ku hareereysan magaaladda Baladweyne ee gobolka hiirraan oo laga cabsi qabo in ay go’doomiyaan xilli dalka uu ka curtay Roobka dayrta.
deeqdaan gargaarka ah ayaa waxa ay ka koobantahay raashiin, daawo maro kaneecoyin waxa ay gaaraysaa ku dhawaad 200 Ten iyagoo laga talagalay in la gaarsiiyo dadka ku nool magaaladda baladweyne ee xarunta gobolka hiirran.
Sadiiq Axmed Maxamed ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.