Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Wasaarada Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka dawlad gobaleedka Jubbaland ayaa 1500 oo kunool deegaanada dhaca duleedka waqooyi ee magaalada kismayo gaarsiisay deeq raashin ah.
Wasiir-kuxigeenka Wasaarada Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka dawlad gobaleedka Jubbaland Maxamad Cudmaan Jaamac oo kormeer ku tagey degaanada deeqda laga bixinaayay ayaa faahfaahiyay deeqda iyo waxa ay ka kooban tahay isaga oo ku baaqay in la laba jibaaro deeqaha soo gaaraya dadkani.
Juweyriyo Hassan ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.