Deeq Raashiin ah oo la gaarsiiyay dad danyar ah oo ku nool magaalada Kismaayo

0
339
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Mu’asasada Al-ummah oo ay ku Mideysan yihiin Qaar kamid ah Culumaa’udiinka Magaalada Kismaayo ayaa Deeq Raashin ah Waxa ay Gaarsiisay Qaar Kamid ah Dad Danyar oo ku Nool Magalada Kismaayo.
Deeqdan Raashin ee Lasoo Gaarsiiyey Dadkan u baahan ee Masaakiinta oo Waqti Adag Ku Jiro ayaa waxa Iska soo Uruuriyey Dad Muxsiniin ah Waxayna Deeqdan Loo soo Wakiishay Mu’asasada Al ummah.
Deeqda Lasoo Gaarsiiyey Dadka Masaakiinta ee Danyarta ee kunool Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay ka koobnayd Sonkor Bur, Bariis ,Saliid iyo Timir Waxayna Deeqdan kusoo Beegantay Waqti ay Aad ugu baahnaayeen Dadka Danyarta ee ku Nool Magaalada Kismaayo.
Cawke Cali Cawil,ayaa warbixintan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here