De Bruyne oo Doortay Xiddiga u Qalma Ku Guulaysiga Ballon d’Or-ka Sanadkan.

0
264

Manchester City-(Idaacadda Waamo)-Xiddiga Manchester City Kevin De Bruyne ayaa ku taageeray weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski inuu ku guuleysto Ballon d’Or 2021.

Isagoo la hadlayay saxaafada ka hor kulanka Manchester City ee Champions League ee ay la ciyaarayaan Club Brugge, Kevin De Bruyne ayaa la weydiiyay qofka u dooran kara abaalmarinta Ballon d’Or.

De Bruyne ayaa doortay Robert Lewandowski, isagoo sheegay in abaalmarinta sannadkan ay tahay in la tixgeliyo labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay maadaama aysan jirin xaflad Ballon d’Or sannadka 2020.

“Haddii ay tahay inaan doorto, waxaan fiirinayaa mudadii labadii sano ee la soo dhaafay sababta oo ah sanadkii hore lama bixin abaalmarinta sidaas darteed waxa aan dooranayaa Lewandowski marka loo eego wixii uu sameeyay labadii sano ee la soo dhaafay iyo gool dhalintiisa sidaas darteed isaga ayaa ah dookhayga”.

Robert Lewandowski ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkii 2019/2020 isaga oo dhaliyay 55 gool 47 kulan oo tartamada oo dhan kooxda Bayern Munich-na kula guulaystay 3 koob.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here