Dawladda Australia oo bilowday daad guraynta dadka ka agdhaw goobaha dabku ka holcayo.

0
347

Melbounrne(Idaacada Waamo)Dawladda Australia ayaa bilowday in meelaha u dhaw kaymaha ay dabku ka holcayaan in ay ka daad gurayso dadkii degaanaa.

Waxaa heegan buuxa la geliyay militeriga dalkaasi iyo dad gaar ah ku waad oo ka qayb qaadanaya sidii loo samata bixin lahaa dadka ku nool meelaha laga cabsida qabo in dabku uu ku sii fido.

Sidoo kale dawladda ayaa waxa ay sheegtay in farriimo digniin ah lagu wada baahin doono muuqaal baahiyeyaasha dalkaasi, isla markaasina waxa ay shacabka ka codsatay dawladdu in ay u hoggaan samaan digniinahaas. Waaxda saadaasha hawada ee dalkaasi ayaa waxa ay walaac xooggan ka muujiyeen cimilada dalka oo maanta maraysa heerkii ugu sarreeyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here