Dalladda nabadeynta ee haweenka Kismaayo oo qabatay kulan looga hadlaayey Doorka ay Haweenku ku leyihiin Siyaasada.

0
341

Kismaayo(Idaacada Waamo)Kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen haweenka Dalada Nabadaynta Dagmada Kismaayo Ayaa muhiimada loo qabtay ahay in ay haweenku  Ay muujiyaan doorkoda  ku aadan Kaqayb Qaadashada  siyaasada iyo dib udhiska dalka .

Afhayeenka Dalada Nabadaaynta haweenka Dagmada Kismaayo Cadar Ismaacil Juraati Oo Gobta Kahadashay ayaa faah faahisay muhiimada kulankan ay qabteen.

Dhinaca kale Xildibaan  Faadumo Macalin Cali oo kamid ah Baarlamaanka Jubbaland ayaa dhankeda sheegatay in ay dadaal ugu jiraan sidii  Golaha wasiirada Jubbaland Ee lasoo Dhisi Doono ay  haweenku qoondo fiican uga heli lahayeen.

Waxaa Mudooyinkii danbe Haweenka Soomaliyed ay dadaal  ugu jireen sidii ay door muuqda Ugu yeelan lahayeen hanaanka siyaasada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here