Dallada Kaaba oo 80 Caruur ah danyar ah u qaybisay dhar ay ku ciidaan

0
242

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Dallada kaaba oo intii lagu guda jiray bisha barakaysan ee Ramadaanka waday caawinta dadka danyarta ah ee degan  Xaafadaha Magaalada Kismaayo ayaa wajigii saddexaad ee Barnaamijka  caawinta dadka tabaalaysan waxaa ay dhar ciid ku gudoonsiiyeen caruur isugu jira Agoon iyo waliba danyar.

Caruurtan ay Dallada kaaba u samaaysay Ciidsiinta ayaa ka kooban ilaa 80 Caruur ah kuwaas oo ka soo jeeda qoysas danyar ah oo aan awoodi ciidsiinta caruurtooda ayadoona loo qaaybiyay dhar ay ku ciidaan iyo agabyada kala duwan ee ay Caruurtu ku cayaaraan maalinga Ciida.

 

Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here