Dalka Kenya oo laga helay Qofkii ugu horreeyay ee qaba Coronavirus

0
257

Nairobi(Idaacada Waamo)Wasiirka Caafimaadka ee Dalka Mutahi Kagwe ayaa Maanta oo Jimca ah shaaciyay in Qof qaba xanuunka Coronavirus laga helay Dalkiisa.

Qofkan oo ah Ardayad aan Macageeda la sheegin ayaa kasoo laabatay Dalka Maraykanka, iyadoo soo martay Waddanka Ingiriiska.

Wasiirka ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Gabadhan ay haatan wacan tahay, laguna sii hayn doono Isbitaalka inta ay ka ladnaanayso.

Kenya ayaa sheegtay in ay daba-geli doonto dhammaan Dadkii ay la kulantay Gabadhan tan iyo markii ay Dalka kusoo laabatay.

Fayraska Corono ayaa kasoo billowday Magaalada Wuhan oo ka tirsan Gobolka Hubei ee Dalka Shiinaha ayaa galaaftay nolosha 4,600 Qof, halka 126,000 kalana uu saameeyay Cudurkan.

Soomaaliya oo deris dhow la ah Kenya ayaa horay u muujisay feejignaan la xiriirta ka hortagga Cudurka Coronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here