Dalka Itoobiya oo Xaalad deg deg ah lagu soo rogay

0
506

Adis-ababa(Idaacadda Waamo)Itoobiya waxaa ay ku dhawaaqday xaalad degdeg ah oo looga jawaabayo cudurka ‘coronavirus’ (COVID19),kaas oo kiisas kamid ah laga helay gudaha dalkaas.

Tallaabadan ayaa timid, iyada oo tirada kiisaska COVID19 ay muujisay koror degdeg ah oo dalka ah, sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay dowladda.

Itoobiya illaa iyo hadda waxay diiwaan gashatay 52 kiis oo la xaqiijiyey, iyada oo ay dhinteen laba qof halka ay ka Caafimaadeen Afar Ruux.

In kasta oo ay jiraan tallaabooyin kala duwan oo ay qaaday xukuumadda, haddana xogtu waxay muujineysaa koror degdeg ah oo cudurrada COVID-19, ayaa lagu yiri bayaanka.

Xaaladaan deg dega ah ayaa waxaa ay qeyb ka tahay dadaallada lagu xakameynayo faafitaanka fayraska, iskuulada iyo jaamacadaha ayaa la xirey,iyada oo Shaqaalaha aan muhiimka aheyn loo sheegay inay Guryahooda ku Shaqeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here