Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Waxaa magaalada kismaayo ka dhisan urur ay ku mideeysan yihiin dadka la nool xanuunka (HIV) wuxuuna ururkaan ka shaqeeyaa sidii dadka xanuunkaan Qaba ay u heli lahaayeen talooyin iyo wacyigalin ku aaddan cudurkaan.
Dadka la nool cudurkaan ayaa bulshada dhexdeeda waxaa ay kala kulmaan caqabado kala duwan,sida in la faquuqo ama la takooro marka qofka la ogaado in uu cuduka qabo.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.