Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Deegaanka Abaq-bambaale oo qiyaastii 20-km dhanka galbeed kaga beegan magaalada kismaayo ee xarunta gobalka Jubbada hoose ayaa waxaa kunool boqolaal Qoys oo isagu jira kuwo deegaanka kusii noola iyo kuwo kusoo barakacay kuwaas oo wajahaya xaalado nolol xuma ah haba ugu darnaato biyo la’aan baahsan oo ka jirta deegaankaasi.
Juweeriya Xasan Axmed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.