Dad ku dhintey Shil ka dhacay Dowlad deegaanka Soomaalida.

0
344

Mooyaale(Idaacada Waamo)Shilkaan Gaari oo geystay khasaaro isugu jira dhimaho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Mooyaale ee Gobolka Daawaa dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Shilka Gaari ayaa yimid kaddib markii Gaari nooca xamuulka qaado ah uu isku marey saddex Mooto Bajaaj,waxaana ku dhintey laba ruux oo ahaa Haween halka lix kale ay ku dhaawacmeen.

Taliyaha Booliska degmada mooyaale Gaashaanle Maxamed Xasan Hilowle ayaa sheegay in Gaari shilka galay laga leeyahay dalka kenya,isla markaana Darawalka wadey uu iksu dayay in uu baxsado balse ay ciidamada Booliska Gacanta ku dhigeen.

Deegaano ka tirsan Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa horey uga dhacay shilal kala duwan,kuwaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah iyo burbur hantiyadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here