Dad Isku Qoys ah oo ku geeriyooday Biriq ku dhacday Gurigooda

0
333

Wararka aan ka heleyno deegaano duleedka Bari ka xiga Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dad hal qoys ka wada tirsanaa ay dhinteen kadib markii ay biriq ku dhacday Hoygii ay deganaayeen.

Saacadihii la soo dhaafay ayaa roob xoogan waxaa uu ka da’ayay Magaalada Dhuusamareeb iyo deegaannada hoostaga,waxaana Shan Qof oo isku qoys ahaa ay ku geeriyoodeen  Biriq ku dhacday Gurigooda oo ku yaalla deegaanka Innamid oo 35-km jahada Barri kaga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here