Dab ka kacay kaalin shidaal oo ku taala Mudug.

0
306

Bacaadweyn-(Idaacadda Waamo)- Dab khasaaro nafeed iyo mid hantiyadeed  geystay ayaa waxaa uu ka kacay Kaalin Shidaal oo ku taalla degaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.

Inta la ogyahay 14 ayaa ku dhaawaan tahay dabka, kadib markii ay doonayeen in ay dabkaasi damiyaan, waxaana dadka degaanka iyo Maamlka dowladda Hoose Degmada Gaalkacyo ay ku guuleysteen in dambkaasi la demiyo.

Ganacsadihii iska lahaa Kaalinta Shidaal ee ku gubatay Deegaanka Bacaadweyn ayaa sheegay in dabka uu ka dhashay Haanta keydka Shidaalka ay qaraxday, isla markaana dhamaan ay burburtay kaalintiisii Shidaalka.

Guddoomiye ku Xigeenka Deegaanka Bacaadweyn ayaa sheegay in degaanka uusan oolin Gaadiidka dab damiska,isla markaana 9 Ruux oo dabkaasi ku waxyeeloobay laba kamid ah ay ay xaaladooda liidao,isla markaana lagu daaweeynaayo Isbitaalka Magaalada Gaalkacyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here