Daawo yari laga soo sheegayo dalka Iiraan

0
296

Iiraan(Idaacada Waamo)Guddiga sare ee dhanka garsoorka iyo xuquuqda aadanaha ee dalka Iiraan ayaa cambaareeyay wadamada cunaqabateynta daawada saaray Iiraan.

Mr Cali Baqeyri Gaani oo ka hadlayay shirka 43-aad ee xuquuqda oo ka dhacay isniinta maanta ah magaalada Geneva ayaa dilaa ku tilmaamay dalalka ka mamnuucay Daawada.

Dhanka kale wuxuu sheegay in cunaqabateynta Mareykanka ay tahay mid Jaahilnimo ah oo aan laga Fiirsan.

Mr Baqeyri oo hadalkiisa sii wata ayaa xaqiijiyay in kumanaan ruux oo u dhashay Iiraan ay saameysay daawo yari taasi oo ka dhalatay cunaqabateynta Saaran.

Xukuumada Trump ayaa sanadkii 2018-kii ka laabatay heshiiskii wadamada quwadaha ee Mareykanka horboodayay ay la galeen Iiraan sanadkii 2015-Ka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here