Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Daaficii hore ee kooxda Liverpool Martin Skrtel ayaa magac ku sameystay mudadii sannadaha aheyd inuu yahay daafac bir ah oo taakal adag sameeya islamarkaana xoog u sheegta weeraryahanada laakiin wuxuu haatan ka ciyaarayaa booska No. 10
38 jirkaan ayaa ciyaaraha ka fariistay sannadkii la soo dhaafay ka dib markii uu la dhibtooday dhaawac dhabarka ah. Wuxuu in ka badan 500 kulan u saftay kooxaha Liverpool, Zenit iyo Feberbahce ka hor inta uusan waayihiisa ciyaareed ku soo gabagabeynin kooxda Slovakia ka dhisan ee Spartak Trnava.
Si kastaba, Skrtel ayaa go’aansaday inuu garoomada dib ugu soo laabto wuxuuna ka ciyaarayaa horyaalka heerka 8aad ee wadankiisa Slovakia isagoo u safanaya kooxda Hajskala Raztocno.
Bedelkii uu ka ciyaari lahaa booskiisa daafaca dhexe ee looga bartay, Skrtel ayaa haatan doortay inuu kooxdiisa cusub uga dheelo booska No.10 ee weerarka.
“Xaqiiqdii waxaan ka ciyaaraa booska No.10” ayuu Skrtel u sheegay The Athletic.