Kismaayo(Idaacada Waamo)Cumar Maxamed Xassan Waa 20 Sano Jir la nool Xanuun sababa in uu Suuxo Waxa uuna ku Socdaa Jilbaha Maadaama uu ka go anyahay labada lugood .
Cumar waxaa uu ka soo jedaa Qoys Xoolo dhaqato ah Xili uu ku sugnaa meel udhow Deeganka Buulo Xaaji Ee Gobolka Jubbada hoose Lana jiray Xoolo aya Waxaa haleelay Xanuun kusoo booday kaas oo sababay in uu Suuxo kadibna ku dhoco dab xiligaas ka shidnaa goobta uu ku Xanuunsaday sidaasna ay ku bilaabatay dhibka qabsaday ee uu Lugihiisa Waayay .
Cumar Maxamed Xassan dhibatadii ka soo Gaartay Dabkii uu ku dhacay ma ahaayn mid wax looga qabankaray Cisbitaalada ku Yaala Gobolka Jubbada hoose waxaana xaalad Caafimaad loogu Qaaday Cisbitaal ku Yaala Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Dalka Halkaas oo markii Danbe Looga Jaray Labadiisa lugood .
Cumar Haatan mahaysto Cid ka Caawisa sidii uu ku Heli lahaa qalab u Fududeeya Socodka waxa uu Dowlad Goboledka Jubbaland,Ganacsatada soomaliyed iyo Haya,adaha Samafalka uu ka Codsaday in Laga Caawiyo Siduu ku Heli lahaa daeyeel Caafimaad .
Waxaa Jira Dad badan oo dhibanayaal ah ku Waas oo ku dhex nool bulshada lana daala dhacaya dhibaatoyin kala duwan una baahan in Lacaawiyo.
R/W,Xamdi Maxamed Yaasiin.