Cumar Filish oo ku baaqay in lala shaqeeyo laamaha ammaanka

0
364

Muqdisho(Idaacada Waamo)Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka ugu baaqay in ay si hufan ugu adeegaan Shacabkooda, kana shaqeeyaan sugidda amniga.

Mudane; Cumar Filish, ayaa hadalkan ka sheegay kulan looga hadlayay ammaanka Caasimadda oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, shiraas oo ay goob-joog  ka ahaayeen Guddoomiyeyaasha Gobolka Banaadir.

Shirkan oo Todobaadle ah ayaa sidoo kale looga hadlay soo celinta bilicda Caasimadda, nadaafadda iyo tirakoobka Guryaha.

Guddoomiyaha ayaa ugu dambayn ku baaqay in ay laamaha ammaanka iyo Shacabka ku nool Caasiamaddu yeeshaan wada shaqayn baaxad leh,  si looga guuleysto cadowga Ummadda Soomaaliyeed.

R/W,Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here