Cristiano Ronaldo oo Rikoor Cusub ka dhigay horyaalka Wadanka Sacuudiga

0
299

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Weeraryahanka kooxda Alnasr ee Ronaldo ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay guushii 4-ta gool aheyd ee uu ku hogaamiyay kooxdiisa kulan wareegga 16-aad ee horyaalka Sacuudiga oo ay kaga hor tageen kooxda Al Wahda.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay kulankaas 4 gool , iyadoo tiro ahaan uu gaaray goolkiisa 5-aad ka dib sedex kulan oo horyaalka ah oo uu u saftay xilli ciyaareedkaan.

Laacibkaan 38 sano jirka ah ayaa bartiisa Facebook ku soo qoray” waa dareen cajiib ah , in aan gaaray goolkeyga 500-aad  ee aayaheyga horyaalada sharaf weyn ayay ii tahay”

Waxa ay kooxda.com soo xiganeysaa in Ronaldo uu noqday laacibkii ugu horeeyay ee afar gool ka dhaliya hal kulan horyaalka Sacuudi Carabiya .

Kooxda Alnasr ayaa haatan leh 37 dhibic waxaana booska 1-aad goolal uga haysa kooxda Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here