Cristiano Ronaldo Oo Kaligii Ka Goolal Badan Kooxo Waaweyn Oo Reer Yurub Ah Goolasha Wareegyada Bug Baxa.

0
696

Kismaayo(Waamo Radio) Xiddiga Kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa sii wada guulasha tartanka champions League gaar ahaan goolasha uu ka dhaliyo wareega Bug baxa ee tartanka ugu qaalisan yurub.

Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay goolkiisii 64-aad ee wareega tooska loo hadho ee champions League kulankii ay Juventus bar-baraha la gashay kooxda Ajax ee ka tirsanaa 8 dhamaadka champions League.

Kadib goolkaas Cristiano ayaa kaligii ka goolal badan kooxo waaweyn oo reer yurub ah haatana ka mid ah kooxaha ugu awooda badan kubada cagta wakhti xaadirkan la joogo.

Ronalado ayaa dhaliyay 64 gool wareega bug baxa champions League waxana uu kaligii ka goolal badan yahay wareegaas kooxaha Arsenal, PSG, Man City, Tottenham iyo waliba kooxo kale.

Goolasha 64-ka ah ee uu ka dhaliyay wareega Bug baxa ayaa loo kala qaybin karaa 23 gool oo uu ka dhaliyay wareega 16-ka, 24 gool oo 8 dhamaadk ah, 13 Semi-finalka ah iyo 4 finalka ah.

Cristiano Ronaldo Kooxaha Uu Ka Goolal Badan yahay waxaa Ka Mid Ah , Arsenal: 50 Gool , PSG: 34 Gool , Man City: 30 Gool , Tottenham: 18 Gool

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here