Cristiano Ronaldo Oo Go’aan Ka Gaaray Mustaqbalkiisa Al Nassr

0
44

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Weeraryahanka Al-Nassr, Cristiano Ronaldo, ayaa go’aankiisii ugu dambeeyay ka gaaray mustaqbalkiisa ciyaareed, sida uu sheegay weriyaha Santi Aouna. Xiddiga reer Portugal oo haatan 40 jir ah ayaa saxiixay heshiis cusub oo uu kula sii joogayo kooxda ka dhisan Sacuudiga ilaa xagaaga 2026 ama ka sii dambeeya.

Heshiiskiisii hore ayaa ku ekaa xagaaga 2025, waxaana jiray warar sheegaya inuu ka tagi karo kooxda si uu uga qeyb galo Koobka Adduunka ee Kooxaha. Si kastaba ha ahaatee, warar cusub ayaa xaqiijinaya in Ronaldo iyo Al-Nassr ay gaareen heshiis buuxa.

Santi Aouna ayaa ku qoray boggiisa X (hore Twitter): “Cristiano Ronaldo wuxuu sii joogayaa Al-Nassr. Heshiis buuxa ayaa la gaaray labada dhinac. Ilo Sacuudiyaan ah ayaa noo xaqiijiyay inuu durba saxiixay heshiiskiisa cusub.”

Ronaldo ayaa doonaya inuu sii ahaado weeraryahanka koowaad ee xulka Portugal, isagoo isha ku haya inuu ka qeyb galo Koobka Adduunka 2026.

Ronaldo ayaa ku biiray Al-Nassr bishii Janaayo 2023 kadib markii uu khilaaf soo kala dhex galay isaga iyo macallinka Manchester United ee Erik ten Hag. Ilaa hadda wuxuu u ciyaaray 105 kulan, wuxuuna dhaliyay 93 gool, isagoo caawiyay 19 kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here