Cristiano Ronaldo Oo Fariin U Diray Erik Ten Hag

0
66

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Cristiano Ronaldo ayaa kula taliyay tababaraha Manchester United Erik ten Hag inuu dhageysto talada kaaliyaha Ruud van Nistelrooy.

Iyada oo qayb ka ah dib-u-dhiska kooxda, waxa lagu sameeyay is badal shaqaalaha tababarka ka hor bilaabashadii xilli ciyaareedka.

Man United ayaa guul ku bilaabatay premier League iyaga oo ka badiyay kooxda Fulham todobaadkii ugu horeeyay laakiin Man United ayaa laga badiyay kulamadii xigay ee Brighton iyo Liverpool.

Tababaraha Man United ee Erik Ten Hag ayaa wajahaya cadaadis xoogan kadib guuldaradii ka soo gaadhay kooxda Liverpool.

Isagoo ka hadlayay Rio Ferdinand, Ronaldo ayaa u sheegay Ten Hag in uu wax ka dhagaysto halyeeyada kooxda, gaar ahaan Van Nistelrooy oo uu u magacaabay caawiyihiisa horaantii xagaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here