Cole Palmer Oo Abaalmarin Ku Guulaystay

0
35

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Ciyaaryahanka kooxda Chelsea Cole Palmer ayaa loo magacaabay ciyaaryahanka ugu da’da yar ee PFA xilli ciyaareedka 2023/24.

22-sano jirkaan, oo sidoo kale loo magacaabay abaalmarinta sare, ayaa ku riyaaqay ololihii ugu horreeyay ee Chelsea, isagoo dhaliyay 22 gool, 11 caawin 34 kulan oo Premier League ah.

Ma jiro ciyaaryahan ka tirsan Premier League diwaan galiyay ku lug lahaansho ka badan palmer dhinaca goolasha waxana uu ka qayb ahaa xulkii England ee ka qayb galay euro 2024.

Palmer ayaa abaalmarinta ku garaacay xiddigo ay ka mid yihiin Alejandro Garnacho (Manchester United), Kobbie Mainoo (Manchester United), Michael Olise (Crystal Palace,), Joao Pedro (Brighton and Hove Albion) iyo Bukayo Saka (Arsenal).

Palmer waa ciyaaryahankii ugu horeeyay ee Chelsea ah ee ku guuleysta abaalmarintaan tan iyo Eden Hazard, kaasoo abaalmarinta ku guuleystay xilli ciyaareedkii 2013/14. Guuleystaha kale ee Blues waa Scott Parker, kaasoo ku guuleystay ololihii 2003/04 ka dib markii uu kaga soo biiray Charlton Athletic bishii January.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here