Ciyaartii Arsenal Iyo Watford Oo Kusoo Dhaamatay Barbaro

0
431

Kismaayo (Waamo Radio) Arsenal Iyo Watford Ayaa Wada Qaatay Kulan Xiiso Badan

Arsenal ayaa nasiinada ugu dirtay Watford laba gool oo nadiif ah waxa ayna marti ugu ahaayeen kulan ka tirsan wareegga shanaad ee horyaalka Ingiriiska

Inkastoo Watford natijadaas loogu diray nasiinada hadana waxa ay soo bandhigeen ciyaar aad wacan xilli fursado badan ay iska qasaariyeen

Sidoo kale goolhayaha Arsenal ayaa laf dhuun gashay ku noqday oo dhowr kubad gool ah u diiday waxa ayna mararka qaar maamulayeen kubadda

Arsenal waxaa qeybatas ka muuqatay isku xernaan waliba baasas cajiib ah ayay sameynayeen waxaana sii dheeraa in ay muujiyeen ciyaar kalsooni leh

Labada gool Arsenal Waxaa u dhaliyay Pierre-Emerick Aubameyang Daqiiqadihii 20-aad iyo 32-aad ee Qeybtii Hore Ciyaarta

Qeybta labaad , Watford dar dar ayay ku soo galeen cadaadisna ayay saareen Arsenal illaa ugu dambeyn ay ka dhaliyeen gool qalad weyn uu ku sameeyay Sokratis kaas oo goosha horteda baas uu ku bixiyay laga qabsaday waxa uuna goolkaas yimid daqiiqaddii 54-aad Waxaana Dhaliyey Tom Cleverley Oo Caawin Ka Helay Saxiibkiis Gerard Deulofeu

Ka dib Goolkaas isku dayo kala duwan ayay muujiyeen Watford waliba iyaga ayaa kubadda haystay halka Arsenal ay ku adkeyd in ay gaaraan aagga shabaqa kooxda ay martida u yihiin .

Dhamadkii Arsenal waxa ay isku dayayeen in ay shabaqa Watford tagaan waxaana daqiiqaddii 78-aad gool xaqiiq ahaa ka bad baadiyay goolhayaha balse isla kubaddaas oo lagu weeraray ayay qalad ku galeen waxaana rigoore Arsenal ku keenay David Luiz daqiiqaddii 79-aad waxaana gool u turmay Roberto Pereyra daqiiqaddii 80-aad

Kadib Goolkaas Labada Kooxood Ayaa Dhibcaha Ku Qeybsaday Garoonka Kooxda Watford Waxayna Ciyaartu Ku Dhaamatay 2-2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here