Chelsea Oo Xasuuqday 9 Xiddig Oo Tottenham Ah Kulan Xiiso Lahaa

0
62

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Kooxda chelsea ayaa garaacday 9 xiddig oo Tottenham ah kulan xiiso lahaa oo ka tirsanaa premier league.

Tottenham ayaa sidii caadada ahayd si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo maamulayay ciyaarta kana fiicnaa kooxda chelsea.

Daqiiqadii 6-aad ayay Tottenham dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Dejan Kulusevski kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0 ay Tottenham ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda chelsea ayaa bilowday in ay ku soo laabtaan ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn xilli ay adeegsanayeen orodka Sterling.

Kooxda chelsea ayaa dhalisay gool uu u dhaliyay xiddiga Raheem Sterling laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside.

Laakiin chelsea ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii radeen raadinta goolka bar-baraha ay Tottenham dhinaceeda qaadaysay weeraro.

Chelsea ayaa mar kale dhalisay gool waxana u dhaliyay xiddiga Caicedo kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1 laakiin Goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside.

Kooxda chelsea ayaa kadib dadaal badan daqiiqadii 35-aad heshay rikoodhe waxaa ciyaarta laga saaray xiddiga Christian Romero kaas oo ciyaarta ka kaga baxay saaxiibadiisa.

 

 

Xiddiga Cole Palmer ayaa kooxdiisa u dhaliyay gool isaga oo badalay rikoodhadii loo dhigay kooxdiisa.

Qaybta dambe ayaa ahayd hal dhinac waxana fiicnayd kooxda chelsea oo ka awood badnayd kooxda Tottenham oo 10 xiddig ahayd.

Daqiiqadii 55-aad ayay Tottenham laga saaray xiddig kale iyada oo kaadhka 2-aad loo taagay xiddiga Destiny Udogie kaas oo ciyaarta kooxdiisa kaga baxay 9 xiddig.

Wixii intaas ka dambeeyay chelsea ayaa la wareegtay maamulka ciyaarta iyaga oo ka awood badnaa Tottenham oo aan wali daafac galin isla markaas daafaceedu furanyahay.

Daqiiqadii 75-aad ayay Chelsea dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Nicolas Jackson kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Xiddiga Nicolas Jackson ayaa daqiiqadii 90+aad dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa waxana uu ciyaarta ka dhigay ka hor inta uuna mar kale dhali goolka 4-aad ee kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay chelsea xasuuqday Tottenham dushana u saartay guuldaradii ugu horaysay ee horyaalka premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here