Chelsea Oo Premier League Ka Dhigtay Rikoodh Ay Kaliya 2 Kooxood Kaga Horeeyeen

0
469

Kismaayo (Waamo Radio) Kooxda Chelsea ayaa Guul oo ay u qalmeen ka Gaaray Kooxda Southampton Kulan Ka Dhacay Garoonka St. Mary’s Stadium Kana Tirsanaa Todobaadkii 8-aad ee Horyaalka Premier League.

Goolal ay Dhaliyeen Xiddigaha Tammy Abraham, Mason Mount, N’Golo Kante Iyo Michy Batshuayi ayaa Kooxda Chelsea ka Caawiyay in ay Gaarto Guul ay u Baahnaayeen.

Kadib Guushaas Kooxda Chelsea ayaa Premier League ka Dhigtay Rikoodh ay kaliya 2 Kooxood oo Hore Ka Dhigeen Premier League.

Rikoorka ayaa ah in ay Chelsea Noqotay Kooxdii 3-aad ee Premier League Dhalisay 3 Gool iyo wax Ka Badan Qaybta Hore ee Laba Kulan oo Xidhiidh ah oo ay Marti yihiin Tartanka.

Labada Kooxood ee Sidaas Sameeyay ayaa Kala ah Manchester United oo Sidaas Samaysay 1993/1994 & Tottenham Hotspur oo Sidaas Samaysay 2018/2019

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here