Chelsea Oo Khal-Khalinaysa Qorshaha Man United Ee Suuqa Xagaaga & Mendy Oo Sabab U Ah

0
98

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Chelsea ayaa ka fiirsanaysa inay u dhaqaaqdo goolhayaha Porto Diogo Costa si ay ugu xoojiso goolhayaheeda ka hor bixitaanka Edouard Mendy, sida ay wararku sheegayaan.

Kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa ka shaqaynaysay heshiisyo dhawr ah oo u badan xiddigo ka tagaya ka hor 30 June si ay u dhinto xiddigaha kooxda jooga.

Tan ilaa bishii May ee sanadkii hore, chelsea ayaa suuqa galisay lacag dhan 600 milyan oo euro iyada oo la soo saxiixatay xiddigo badan oo cusub waxana ay doonaysaa in ay iska iibiso xiddigaha ka hor inta ayna samayn saxiixyo cusub.

Goolhye Mendy oo chelsea ku soo biiray sanadkii 2020 ayaa kooxda kula guulaystay koobabka Champions League, Koobka Kooxaha Adduunka, iyo UEFA Super Cup 18-kii bilood ee ugu horreeyay ee uu joogay kooxda.

Laakiin xilli ciyaareedkii dhamaaday ayaa keentay in uu Mendy ku dhibaatoodo in uu boos ka helo kooxda isaga oo u lumiyay Goolhaye Kepa.

Sida laga soo xigtay Wargayska Record, Kooxda chelsea ayaa Goolhayaha Fc Porto ee Costa u aragta badalka 1-aad ee ay doonayso in ay keento.

Kooxda chelsea ayaa Man United kula biirtay baacsiga ay ugu jirto Goolhayaha waxana ay doonaysaa in ay ku guulaysato tartankiisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here