Chelsea Oo Guuldaro Xanuun Badan Kala Kulantay West Ham.

0
44

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Chelsea ayaa dharbaaxo xun kala kulantay West Ham ka dib markii ay guuldarro 3-1 ka soo gaartay xilli Enzo Fernandez uu rigoore ka qasaariyay, halka saxiixooda cusub Moises Caicedo uu ku bilowday si xun isagoo rigore galay dhamaadkii ciyaarta iyadoo West Ham 10 ciyaaryahan ku ciyaareysay in ku dhow 30 daqiiqadood.

West Ham ayaa goolka ku hormartay ka hor inta uusan Chukwuemeka u barbareynin Chelsea laakiin Michail Antonio ayaa gool guusha u saxiixay West Ham ka hor inta uusan guusha xaqiijinin Paqueta oo dhaliyay rigoore uu galay Caicedo dhamaadkii ciyaarta iyadoo kooxda Buruska uu casaan ka qaatay Aguerd daqiiqadii 67aad.

Waa guuldaradii ugu horeysay ee Chelsea soo gaarta, welina waxay sugayaan guushoodii ugu horeysay ka dib markii ay barbaro 1-1 ku bilowdeen xilli ciyaareedka todobaadkii hore.

West Ham ayay ku qaadatay kaliya todoba daqiiqo inay hogaanka u qabato ciyaarta markii koorno uu soo qaaday saxiixa cusub ee kooxda Buruska Ward-Prowse uu madax ku dhaliyay Aguerd. Chukwuemeka oo ay aheyd inuu xirto daafaca West Ham ayaa booskiisa ka dhaqaaqay taasoo Aguerd fursad u siisay inuu madax sahlan ku dhaliyo kubada.

Chukwuemeka ayaana qaladkiisa saxay daqiiqadii 29aad markii uu Chelsea u dhaliyay goolka barbaraha oo aheyd goolkiisii ugu horeysay ee Blues.

Kubad ay iska soo bixiyeen West Ham ayuu Chukwuemeka ku helay xerada ganaaxa ka hor inta uusan kubada la garab marin Soucek islamarkaana si qurux badan shabaqa u dhex dhigin.

Daqiiqadii 42aad waxaa Chelsea loo dhigay rigoore markii uu Soucek qalad xerada ganaaxa kula galay Raheem Sterling. Xiddiga Ingariiska Sterling ayaana ku guuleystay rigooradiisii 24aad, waana ciyaaryahanka ugu badan ee rigoore loo dhigay horyaalka Ingariiska.

Waxaa rigoorada u soo istaagay xiddiga khadka dhexe Enzo Fernandez balse waxaa si sahlan uga badbaadiyay goolhayaha West Ham United, iyadoo Enzo uu qasaariyay fursad weyn oo ay Chelsea hogaanka ku qaban kartay.

Qeybtii hore oo fursado badan ay Chelsea abuurtay islamarkaana ay aad uga fiicneyd West Ham ayaa ku dhamaatay barbaro 1-1 ah.

Qeybtii labaad West ham ayaa si dardar leh ku bilaabatay iyagoo hogaanka u qabtay ciyaarta mar kale daqiiqadii 54aad, waxaana shabaqa u soo taabtay xoog weyne Michael Antonio. Kubad ay aheyd inuu bixiyo Disasi ayaa waxaa ka faa’ideystay Antonio oo ku guuleystay inuu shabaqa meel hoos kubada ka geliyo.

West Ham ayaa noqotay 10 ciyaaryahan daqiqiadii 67aad markii casaan laga siiyay daaficii goolka u dhaliyay Aguerd kaasoo qalad halis ah ku galay Jackson, waxaana uu qaatay jaalihiisii labaad taasoo keentay in ciyaarta laga saaro.

Daqiiqadii 1aad ee lix daqiiqo oo ciyaarta lagu daray goolhaye Sanchez ayaa badbaadiyay kubad gool loo fishay oo uu xiddiga West Ham la kortagay goolhayaha markii uu kubada ka soo dafay Caicedo.

Waxay ciyaarta ku soo dhamaatay 3-1 oo ay West Ham ku garaacday Chelsea iyadoo tababare Pochettino uu guuldaradiisii ugu horeysay dhadhamiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here