Chelsea oo guul ka gaartay Newcastle United 

0
369

England(Idaacadda Waamo)-Kooxda Chelsea ayaa guul kale gaartay mar kalena isku aragtay Masraxa kubada cagta qeybteeda sare ee horyaalka kadib markii ay xaley ay garaacday kooxda Newcastle United Kulan ka tirsan Horyaalka Premier League oo gurigeeda lagu ciyaaray.

Xidigaha Olivier Giroud iyo Timo Werner ayaa qeybta Hore Chelsea ka caawiyay guusha ay xaley gaareen iyagoo labada gool kala dhaliyay daqiiqadihii 31-aad iyo 39-aad ee ciyaarta iyadoo qeybta dambe aysan labada koox soo bandhigin wax fursad ah amaba gool noqon kara.

Chelsea ayaa soo gashay booska 4-aad ee kala sareynta Horyaalka Premier League dalka ingiriiska iyagoo leh 42- dhibcood waxaana booskaasi kala wareegeen kooxda Liverpool oo hada u dhacday booska 6-aad ee kala sareynta Horyaalka Premier League.Image

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here