Chelsea oo go’aamisay mustaqbalka Kepa Arrizabalaga kaddib markii ay la saxiixatay Edouard Mendy

0
239

London(Idaacadda Waamo)-Wargeyska “The Sun” ee dalka England ayaa ka hadlay mustaqbalka goolhaayaha reer Spain iyo kooxda Chelsea ee Kepa Arrizabalaga, kaddib markii ay la saxiixatay Edouard Mendy.

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ku dhawaaqday inay dhammaystirtay saxiixa goolhaye Edouard Mendy, kaasoo ay kala soo wareegeen naadiga Rennes.

Edouard Mendy ayaa qandaraas waqti dheer ah u saxiixay Chelsea muddo shan sano ah ilaa xagaaga 2025, kaddib markii uu kaga soo dhaqaaqay naadiga Rennes qiimo dhan 22 milyan oo gini.

Kepa ayaa la joogay kooxda Chelsea tan iyo xagaagii 2018, isagoo kaga soo dhaaaqay naadiga Athletic Bilbao, qiiimo dhan 80 milyan oo ginni.

Sikastaba ha ahaatee, goolhayaha reer Spain ee Kepa Arrizabalaga ayaan waxqabad fiican ku soo bandhigin kooxda Chelsea, taasoo keentay in maamulka Blues ay lasoo saxiixdaan Edouard Mendy.

Wargeyska ayaa tilmaamay in Edouard Mendy loo arko dooqa koowaad ee shabaq ilaalinta Chelsea xilli ciyaareedkan, iyadoo lagu saleynayo go’aanka tababaraha haatan maamula kooxda ee Frank Lampard.

Wargeyska ayaa sheegay in Frank Lampard uu u ogolaan doono Kepa Arrizabalaga inuu ugu biiro koox kale qaab amaah ah ilaa iyo dhamaadka xilli ciyaareedka, haddii ay jirto koox dooneysa adeega goolhaayaha reer Spain, maadaama aan loo baahneyn in goolhaayaha si toos ah loo iibiyo, marka loo fiiriyo qiimaha qaaliga ah ee lagu soo iibiyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here