Chelsea iyo Man United oo isha ku haya xaallada Milinkovic-Savic

0
295

Kismaayo (Idaacadda Waamo)Sida laga soo xigtay wargeysyada, kooxaha Manchester United iyo Chelsea, iyo Newcastle United, ayaa xiiseynaya saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Lazio Sergej Milinkovic-Savic suuqan kala iibsiga ee xagaaga.

Madaxwaynaha Lazio Claudio Lotito ayaa hore u sheegay inuu diiday 100 milyan oo euro oo lagu iibinayay xiddiga Serbia, laakiin saddexda kooxood ee Premier League ayaa laga yaabaa inay xiiseynayaan inay bixiyaan € 65m ama wax ka yar.

Milinkovic-Savic ayaa qandaraas uu kula jira Lazio wuxuu soconayaa ilaa June 2024, iyada oo dhammaadka qandaraaskiisa uu soo dhawaaday iyo in ay Lazio ku guuldarreysatay u soo bixitaanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda, ay suurtogal ka dhigeyso in la iibiyo.

Agaasimaha Isboortiga Lazio Igli Tare ayaa dhawaan dib ugu laabtay dalka Talyaaniga kaddib markii uu maalmo ku sugnaa magaalada London, waxaana la sheegay in uu kulamo la qaatay kooxo badan oo Ingriis ah oo ay ku jiraan Manchester United, Chelsea iyo Newcastle.

Si kastaba ha ahaatee, Milinkovic-Savic waligiis ilaa hadda ma uusan sheegin inuu doonayo inuu isaga tago Lazio, inkastoo Juventus ay dooneyso saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Serbia, haddana Lazio ayaa doorbideysa inay ka iibiso kooxaha banaanka ka ah horyaalka Talyaaniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here