Carwada Ganacsiga Puntland oo Boosaaso laga daah-furay

0
351

Boosaaso(Idaacadda Waamo)Madaxwaynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  magaaladda Boosaaso ka daah-furay carwada ganacsiga Puntland.

Daah-furka carwada waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiinta goloyaasha dowladda, maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, ganacsato, isimo, haweeen, qurba joog, mas’uuliyiinta rugta ganacsiga naamulada dalka qaar iyo madax ka socotay dowladda Deegaanka Soomaalida.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo khubad ka jeediyay furitaankii carwada ayaa bogaadiyey carwada, sida looga soo shaqeeyay iyo dhammaan dadka kasoo qeybgalay, wuxuuna sheegay in dowladdu ay muhiimad siinaysa kor u qaadista ganacsiga iyo maalgashiga dalka.

Carwada lagu soo bandhigayo ganacsiga Puntland ayaa socon doonta muddo shan cisho, mudaddaasi oo dadku si furan ay uga dukaamaysan doonaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here