C.Ronaldo oo Ka Hadlay Rikoorkii uu Xalay Dhigay.

0
394

England -(Idaacadda Waamo) Xiddiga Reer Portugal ee C.ristiano Ronaldo ayaa Xalay 2-Gool Ka Dhaliyey Xulka Qaranka Sweden uu Ku Galay Taariikhda Kubadda cagta, isaga oo Noqday Ciyaartoygii Labaad ee abid Ciyaaraha Caalamiga Ama Xulalka Ka Dhaliya 100 iyo In Ka Badan.

Ronaldo ayaa 2-gool oo Qurux Badan Ka Dhaliyey Sweden kulan ka tirsanaa UEFA Nations League, waxay Goolashiisu Noqdeen Midkii 100-aad iyo 101-aad, iyadoo Hadda uu Ka Goolal badan yahay Kaliya Halyeygii Xulka Qaranka Iran ee Ali Dai oo 8-Gool oo Kaliya Ka Sareeya Xidiga Xulka Qaranka Portugan ee C.Ronaldo.

ImageXidigaan 35-Jirka ah afka Hore ee Weerarka uga Ciyaara Kooxda Reer Italia ee Juventus ayaa Warbaahinta La Hadlay Kaddib Ciyaarta Wuxuuna yiri: “Aad ayaan ugu Faraxsanahay, Sababtoo ah Waxa Marka Gore Guuleystay Xulkeyga Taas oo ahayd Hadafkayga Koowaad. Kaddib Waxa aan Xiray 100-gool iyo 101-gool, Waxaanay Labadan Gool isiiyeen Farxad badan oo Gaar ah.

“Hadda Mustaqbalka Ilaahay ayuun baa og, Waxaanse Dareensahay inaan Ku jiro Qaab Ciyaareed Wanaagsan, Waanay Fiican tahay inaan La Ciyaaro Laacibiintan Da’da yar.”

“Waxaan Soo Qabtay Xirfaddayda iyaga ayaa is Caddaynaya, Mana Jirto Wax aan anigu Qofna u Caddeeyo, Marka ay noqoto inaan Caddeeyana waa inaan Ku Muujiyo Garoonka Dhexdiisa.”

Portugal Waxay Ku Guuleysatay Labadii Kulan ee UEFA Nations League ee League A, Waxaanay Min 6-Dhibcood Leeyihiin Xulka Qaranka France oo ay isku Group yihiin, iyagoo Labadoodu Arki Doono October 11 oo ay Ku Ciyaari Doonaan Magaalada  Paris.ImageImage

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here