C. Ronaldo Oo Barbareeyay Rikoor Taariikhi Ah oo u yaala Horyaalka Serie A

0
407

Kismaayo(Idaacada Waamo) Weeraryahanka Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa Barbareeyay Rikoor u yaalay Serie A isagoo Shabaqa Soo Taabtay Kulankiisii 11-aad ee isku Xigta Markii uu Gool Ka Dhaliyay Kooxda SPAL Kulankiisii Shalay Iyadoo Kulankaasi uu Ahaa Kulankiisii 1000-aad ee Koox iyo Qaran.

Xiddiga Xulka Portugal ayaa Gool Dhaliyay Kulankiisii Shalay Daqiiqadii 39-aad isagoo Barbareeyay Rikoor uu Dhigey Fabio Quagliarella Kaasoo Shabaqa Soo Taabaty 11-Kulan oo isku Xigta intii uu u Ciyaarayay Kooxda Sampdoria Xilli Ciyaareedkii Lasoo Dhaafay, Sidoo Kale Gabriel Batistuta ayaa isna Sidaas oo Kale Sameeyay Markii uu u Ciyaarayay Kooxda  Fiorentina Sannadkii 1994.Image

Cristiano Ronaldo ayay Sidoo Kale Taariikhi u Tahay Kulankii uu Ka Hortagay Kooxda SPAL isagoo Saftay Kulankiisii 1000-aad ee uu Koox iyo Qaran usoo Ciyaaray.

Waxaana uu Maalintiisa Taariikhiga ugu Dabaaldegay Gool uu Ka Dhaliyay SPAL oo uu Hogaanka ugu Dhiibay Bianconeri isagoo Sidoo Kale Barbareeyay Rikoor Serie A ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here