Bulshada Xaafadda Horseed Farjano ee magaalada Kismaayo oo is xilqaan ku dhisay waddo muhiim ah

0
246

Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Qaar ka mid ah bulshada waaxda Horsed ee xaafadda Farjano  magaalada Kismaayo ayaa bilaabay barnaamij is xilqaan ah,kaas oo dib loogu dhisayo mid ka mid ah wadooyinka hal-bowlaha u ah xaafadda  Farjano iyo xaafadahakale ee magaalada Kismaayo.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Kismaayo Rashiid Maduuloow ayaa ka qeyb galey dayactirka wadadan,isagoona sheegay in ay muhiim tahay is-xilqaanka iskaa wax u qabso ah loogana baahan yahay dhammaan dadka ku nool xaafadaha kale ee Kismaayo in ay qaadaan tillaabadan oo kale.

Fartuun Nuur Aadan ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here