Bulshada magalada kismaay oo maamulka degmada ugu baaqay in wax laga qabto dhibaatoyinka BL-ka

0
438
Kismaayo(Waamo Radio)Magaalada kismaayo aya waxaa mara hal laami kaasoo halbowle u ah dhamaan magalada wadadan laamiga ah ayaa ah  mida ugu mashquulka badan taaso mararka qaar uu istaago isku socodka gaadiid ka
hadaba shacabka ku nool magaalada kismaayo iyo dadka isticmaala gawarida yar yar ayaa cabasho wayn ka mujiyey gawarida dadweynaha eey raacaan ee Bl-ka oo dhamaan toood ah isteerin midig
waxayna sababi karaan qasaaro dhimasho iyo dhaawac iyo burbur hantiyadeed waxayna dowlad goboleedka jubbalan ka codsanayaan in wax laga qabto dhibatooyinkaan oo markasta taagan
ugu dambeentii dadka isticmala gawaarida yar yar iyo shacabka ku nool magalada kismaayo  ayaa mamulka ugud binaya xaladaha adag ey kala kulman wadoyinka magalada gaar ahaan wadada ugu muhiimsan ee laamiga waxayna rajo wayn ka qabaan in caqabadahaasi uu maamulka jubbalan xal u helo si loo kala bad baadiyo shacabka iyo gawaarida ka hool gala wadooyinka  magalada kismaayo

Waxaa inoo soo jeedinaysa:-Fartuun Nuur Aadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here