Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Adeega Enternet-ka Shirkada Hormuud ee magaalada Kismaayo ayaa labadii todobaad ee ugu dambeeyay ah mid xawaarihiisu aad u hooseeyo taas oo shirkadu ku sheegtay cilad ku timid fiilooyinka Enternet soo qaada ee bada hoosteeda Mara.
Qaar ka mid shacabka Kismaayo ayaa ka hadlay sida Enternet xumada jira u saamaysay ayagoona qaarkood sheegeen shaqadoodu ay ku xiran tahay enternet-ka halkaasna ay caqabad uga timid waxaa ayna maamulka shirkada Hormuud ka codsadeen si deg deg loo calad bixiyo enternet-ka.
Hamdi Mahamed ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.