Bulshada Deegaanka Wirkooy ee Gobolka Jubbada Hoose oo codsaday xarun Caafimaad

0
380

Kismaayo-(Idaacadda Waaamo)-Deegaanka Wirkoy waa Mid kamid ah Deegaanada dhaca Dhanka Waqooyi ee Caasimada Ku Meel Gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland  ee Magaalada Kismaayo,Deegaanku Malahan Xarun Caafimaad oo lagula socdo Hooyada iyo Dhallaanka.

Waxaana Haweenka Deegaanka Wirkooy ay wajahaan Xaalado Adag Xiliyada Dhalmada  waxay ay Bulshada Ku Dhaqan Deegaanka Wirkooy u baahan yihiin Goobo Caafimaad.

Helida xarun lagula tacaalo ama Lagu Daweeyo Dadka Xanuunsan waa u muhiim Deegaan walbo si loo badbaadiyo dadka ka xanuunsanayaa deegaanka iyo hooyada umusha ah.

muddo badan  oo uu dalku la Daalaa Dhacaayey Dowlad la’aan  Waxaa gabi ahaanba burburay xarumihii daryeelka hooyada sida MCH-yada iyo Isbitaaladii lagula socon jirey xaalada hooyada iyo dhalaanka.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here