Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Maamulka deegaanka Janaa-abdale oo kaashanaya Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa maanta shir muhiim ah u qabtay qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka, kaas oo diiradda lagu saarayay xoojinta wada shaqeynta, nabadgalyada iyo horumarinta adeegyada bulshada kulanka ayaa qayb ka ah dadaallada maamulka iyo wasaaradda ay ugu jiraan sidii bulshada ay door firfircoon uga qaadan lahaayeen hanaanka maamulka iyo horumarinta deegaanka.
Mowliid Abdi Kulmiye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.