Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna duqa Magaalada Cabdulahi Cali Watiin oo ka mid ahaa Mas’uuliyiin Socodaal Dhanka dhulka ah ku tagay Deegaanka Awdiinle ee Gobolka Baay si ay uga kuur galaan Nolosha halkaasi ka jirta iyagoo la hadlay Bulshada iyo Maamulka Deegaankaasi
Gudoomiye Abdullahi Ali Watiin oo ka hadlayay Arrimaha Deegaanka Awdiinle, ayaa waxaa uu sheegay in Deegaanka uu sameeyey Horumar dhinacya badan ah sida Waxbarashada Dhismayaasha Wadooyinka Nabada iyo dhaq dhaqaaqa ganacsi ee halkaas ka socda taasoo uu ku tilmaamay in ay sabab u tahay isku tashi Bulsho’waxaa uuna bulshada ugu baaqay in ay sii laba jibaaraan dadaalada lagu horumarinayo deegaanka .
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.