Borussia Dortmund oo Garaacday Kooxda Sevilla

0
303

England(Idaacadda Waamo)- waxaa la ciyaaray Koobka champions league wareegiisa 16-aad iyadoo Kooxda Sevilla ayaa garoonkeeda kusoo dhaweysay kooxda Borussia dortmund ee ka socotay Dalka Germany iyadoo kooxda Sevilla lagu garaacay 2-3.

Goolasha Borussia Dortmund labo kamid ah waxaa u dhaliyay xidiga reer Norway ee Erling Haaland daqiiqadihii 27-aad iyo 43-aad ee ciyaarta iyadoo goolka kale uu dhaliyay Mahmoud Dahoud.

Sevilla oo ku hormartay goolasha kulankan ayaa labadeeda gool uga Mahadcelineyso Xiddigaha kala ah Suso iyo Luuk de Jong.

Borussia Dortmund ayaana garoonkeeda ku soo dhaweyndoonta kulanka Xiga ee Labada kooxood kaas oo la ciyaari doono 9 bisha March.ImageImageImage

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here