Bonucci oo sheegay sida lagu joojin karo Messi kahor kulanka ay Barcelona ku wajahayaan caawa Champions League

0
324

Yurub(Idaacadda Waamo)-Kabtanka kooxda Juventus ee Leonardo Bonucci ayaa aaminsan in qaabka loo joojin karo kabtanka naadiga Barcelona ee Lionel Messi ay tahay in loo maro wada shaqeyn weyn ee dhex marta kooxda, gaar ahaan dhanka daafaca.

Hadalka Leonardo Bonucci ayaa imaanaya kahor kulanka ay caawa ku soo dhaweyn doonto garoonkeeda Camp Nou kooxda Juventus, kaasoo ka tirsan kulamada ugu dambeeya ee marxaladda Guruubyada tartanka xiisaha badan ee UEFA Champions League.

Markii ugu horreysay muddo labo sano kaddib ah, waxaa garoommada kubadda cagta lagu arki doonaa Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo oo ku wada jira xeyndaabka cagaaran ee kubadda lagu ciyaaro marka ay caawa Barcelona soo dhoweyneyso kulanka ugu dambeeya ee Guruubka G ee tartanka UEFA Champions League-ga.

Shabakada “Football Italia” ayaa shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Kabtanka kooxda Juventus ee Leonardo Bonucci, wuxuuna k hadlay qaabka loo joojin karo Messi, wuxuuna yiri:

“Runtii waa wax lagu farxo inaan qeyb ka noqdo kulankan taariikhiga ah.”

“Waxaa dagaalami doono laba kooxood waa weyn oo heysta labo ka mid ah kuwa ugu fiican taariikhda.”

“Waxay noqon doontaa ciyaar weyn oo isha lagu haayo labadan qof oo ka imanaya meel banana ah si ay ugu tartamaan abaal-marinta shaqsiga ah.”

Intaas kaddib Leonardo Bonucci oo ka hadlayay sida loo joojin karo halista ka imaan karta Lionel Messi ayaa yiri:

“Lionel Messi waxaa lagu joojin karaa wada shaqeyn weyn ee dhanka daafaca kooxda ah, markaas waxaad ku guuleysan kartaa inaad joojiso awooda Messi.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here