Booliiska Jubbaland oo dhaqan geliyaya amarro ka soo baxay Guddiga ka hortaga Covid-19 ee Jubbaland

0
396
Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-iyadoo wali uu si xawli ah ku socdo cudurka covid 19 ayaa waxaa  Deegaanada Jubbaland Ka Socdo Dadaalo Looga Hortago Cudurka Coronavirus.
Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa Bilaaway Fulinta Awaamiir ay Soo Saareen Guddiga Ka hortaga iyo u diyaar Garowga Cudurka Dilaaga ah ee Coronavirus  iyagoo Guud ahaanba kala Direy Dadkii isugu yimid Goobaha inta badan la isugu yimaado magaalada kismaayo.
Ciidanka Booliska Jubbaland ayaa tagay Goobo kala duwan oo ay bulshadu isugu yimaadaan  sida maqaayadaha lagu shaaheeyo, xeebaha magalada kismayo iyo Goobo kale oo ay dadka ku kulmaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here