Blaugrana oo baadi goobaysa inay caawa gaarto guusheedii saddexaad oo xiriir ah horyaalka La Liga

0
242

Granada(Idaacadda Waamo)Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa indhaha ku haysa inay gaarto guusheedii saddexaad oo xiriir ah horyaalka La Liga, marka ay u safrayaan caawa naadiga Granada.

Kooxda reer Catalan ee uu hoggaamiyo tababare Ronald Koeman ayaa haatan indhaha ku haysa labada kooxood ee ugu sarreeya horyaalka ee ka wada dhisan Magaalada Madrid, waxaana ay todobo dhibcood ka hooseeyaan kooxda hoggaaminaysa horyaalka ee Atletico Madrid.

Dhinaca kael Kooxda Granada ayaa fadhisa kaalinta 7-aad, iyadoo 24-dhibcood ka uruursatay 16-keedii kulan ee ugu horreeyey oo ay illaa iyo haatan ciyaartay horyaalka La Liga.

Ogeysiiska Ciyaarta:-

Tartanka: Spain – La Liga

Taariikhda: Sabti 09 Jan 2021

Saacadda ay bilaabaneyso dheesha: 08:30 Habeennimo xilliga geeska Afrika.

Garoonka: Estadio Nuevo Los Carmenes

Garsooraha: Ricardo De Burgos (Spain)

Wararka kooxaha:-

Dimitri Foulquier iyo Domingos Duarte ayaa labadoodaba soo laabtay kaddib ganaax ay kaga maqnaayeen kooxda martida loo yahay, waana inay isla markiiba caawa ku soo laabtaan afarta daafac ee dambe.

Maxime Gonalons ayaa helay taam ahaanshihiisa kaddib dhibaato muruqa ah oo uu la maqnaa, waana inuu ku soo bilowdaa safkahore inkastoo Angel Montoro uu ku soo laabtay taam ahaansho buuxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here