Beeraleyda Mudug oo ka Cabanaya Ayax xaalufiyay Dalagyada Beerahooda

0
313

Gaalkacyo(Idaacadda Waamo)-Kadib markii 24kii saac ee u danbeeyay uu Ayax guuraya ku dul dagay dhul beereed ku yaala duleedka Bari ee magaalada Gaalkacyo gaar ahaan deegaanka Dayax oo 10 km dhanka Bari kaga beegan magaalada ayaa waxaa qaar ka mida beeraleyda deegaankaasi ay Warbaahinta u sheegeen in Ayax aad u badan uu ku dul habsaday beerahooda isla markaana uu bur buriyay dalagyadii u baxayay, iyadoo beerahaasi ay ka muuqanayeen dhibaatooyinkii uu Ayaxu ku reebay.

Guddoomiye ku-xigeenka iskaashatooyinka Beeraleyda Gobalka Mudug mudane Cabdiqaadir Macalin Cadde oo booqday beeraha ay waxyeeladu kasoo gaartay Ayaxa ayaa Warbaahinta  u sheegay in ay beeraleydu dadaal fara badan u sameeyeen sidii Ayaxa ay uga saari laahaayeen beerahooda, balse awooda Ayaxu uu lahaa darteed ay sababtay in ay wax ka qaban waayaan intaa kadibna uu Ayaxu bur buriyay dalagyo fara badan oo ku yaalay beeraha deegaanada Xaar Xaar,.Booran, Cad,.Dayax.iyo Laase Caddale

Si kastaba Ayax fara badan ayaa 48-dii saac ee u danbeysay la arkayay, isagoo dul hee heebaya magaalada Gaalkacyo iyo deegaanada ku dhow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here