Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Beeraleeyda gobolka shabeellaha dhexe ayaa xiligan kugudi jira beerashada Dalaga Bariiska Cadaha Xilli lagu guda jiro waqtiga tacabka ee deyrta taas oo ka caawineysa iney ka hortagaan Dhibaatooyinka fatahaadaha madaama dalaga bariiska uu iska Caabin karo biyaha badan.
Cimaan Buule oo ka mid ah beeralayda gobolka shabeellaha dhexe ayaa ka warbixiyay xiliyada ugu haboon ee la tabcado dalagyada kala duwan ee beeraha waxaa uuna beeralayda ugu baaqay in xiligaan ay xooga saraan tabcashada daladda Bariiska.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.