Beeraleyda Gobolka Baay oo codsaday in Loo sameeyo biyo xireenno

0
44
Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Sanadkii dhamaadey waxaa dalka ka da,ay Roobab watey daadad xoog  iyo Fatahaado kuwaas oo saameyn ku yeeshay  dadka iyo deegaanka,deeganada Fatahaadu saameysay waxaa ka mid ahaa Degmooyinka Gobolka Baay goobaha uu sida aadka ah u sameeyey waxa ka mid ah dhamaan dhul Beereedka kuwa waraabka ah iyo kuwa Roobka ku tiirsanaa.
Gudoomiyaha daladda iskaashatada Beeralayda Gobolka Baay Cabdinuur Maxamed Ibraahim oo ka warbixiyay xaalada beeralayda kobolka baay ayaa sheegay in sanadkaan aan rajo wayn laga qabin wax soo saar ku bilan bulshada maadaama roobabka daadadka watay ay inta badan burburiyeen dhul beereedyadii waxaa uuna codsaday in biyo xireeno loo sameeyo Beeralayda gobolka Baay.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here