Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Beeraleyda Soomaaliyeed ayaa laf-dhabar u ah dhaqaalaha dalka, gaar ahaan kuwa ku nool hareeraha wabiga Jubba ee gobolka Jubada Hoose.
Dalagyada ay ka beertaan beeraha ayaa ah kuwa quudiya kumannaan qoys, islamarkaana suuqyada Jubbaland ku soo kordhiyo cuntooyinka dalka.
Abdinoor Samriye ayaa warbixintaan inooga diyaariyay.