Kismaayo(Idaacadda Waamo)-Si kor loogu qaado wax-soo-saarka dalka loona dhiirrigeliyo beeraleyda ku nool dowlad-goboleedka Galmudug, ayaa Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Galmudug waxay dalagyo loogu talagalay beeraha u qeybisay ku dhowaad kun Qoys oo ku nool magaalada Gaalkacayo ee dhanka Galmudug iyo deegaanada hoostaga.
Madasha ay deeqda ku wareejinaysay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee dowlad-goboleedka Galmudug waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Beeraha, maamulka degmada, guddiga beeraleyda Galmudug, iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug.
Xamdi Maxamed Yaasiin ayaa warbixintaan inooga diyaarisay.