Beeraleyda Buulo-Guduud oo codsaday in la caawiyo

0
312

Kismaayo-(Idaacadda Waamo)-Buulo gaduud waxaa ay kamid tahay deegaanada dhaca waqooyiga Magaalada Kismaayo waxaana bulshada ku nool ay caan kuyihiin tabcashada beeraha iyo Dhaqashada xoolaha Nool.

Inta badan dadka ku tiirsan tabcashada beeraha waxaa ay la kulmaan xiliyo adag oo Sameeyn ku yeesha tabaca beerahodda.

Qaar kamid ah dadka beeraleyda  ah ee kunool deegaanka buulo gaduud ayaa Wasaaradda beeraha iyo waraabka dowlad goboledka Jubbaland ka codsaday in laga Caawiyo abuurka beeraha iyo daawoyinka lagula dagaalamo cayayaan waxyeeleya Dalaga beeraha .
Tabaca beeraha ayaa ah isha ugu muhiimsan ee ay ku tiirsantahay nolosha dadka Beeralayda ah .

Xamdi Maxamed Yaasiin,ayaa warbixintan inooga diyaarisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here